Muxuu yahay Fahad Yaasiin amarka uu ku soo rogay Villa Somalia?+KHEYRE OO KA CAROODAY

Warar hoose oo laga helayo Villa Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Khilaaf uu ka dhex curtay Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo R/Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Khilaafka ayaa salka ku haya amar uu Fahad Yaasiin Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ku soo rogay Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan inaan gaadiid iyo Ciidan Hubeysan lala soo gali karin madaxtooyada Soomaaliya oo ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalka iyo Hay’ado Ajabani ah.

R/Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu ka horyimid amarkaan una sheegay Fahad Yaasiin inuu ka laabto,balse Agaasimaha madaxtooyada ayaa la sheegay inuu ka madax adeegay amarka R/Wasaaraha.

Ciidanka Ilaalada madaxtooyada ee loo yaqaano ” Koofi Gaduud” oo kaliya ayaa loo ogol yahay iney hubka la galaan gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya,waxaana guud ahaanba madax kale ee Dowladda ee ka madax banaan madaxtooyada loo diiday iney hubka iyo askarta ay wataan la galaan madaxtooyada.

Waxaa lagu amray iney askarta iyo hubkooda isaga reebaan banaanka madaxtooyada,islamarkaana gaadiidka iyo mas’uulka keliya loo ogol yahay inuu madaxtooyada galo.

Waxaad arkeysaa Ciidamo badan oo hubeysan oo lagu reebayo afaafka hore ee Bar contarol oo laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT