Maxaa ka jira in canshuurta laga qaado Shacabka qaarkeed aysan ku dhicin Qasnadda Dowladda?

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka Soomaaliyeed , kuwaasoo aan ku dhicin Qasnadda dowladda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in shaqsiyaad gaar ah ay adeegsadaan Hantidda loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka qaadi doonaan tilaabo sharciga waafaqsan , islamarkaana ay ku daba jiraan shaqsiyaadka falalkaasi ku kaca.

Guddoomiye Yariisow ayaa ugu dambeyntii tilmaamay in canshuurta laga qaado Shacabka ay muhiim tahay in ay ku dhacdo qasnadda dowladda si dib loogu soo celiyo.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray khilaaf xoogeystan oo u dhaxeeyay ganacsatada G/Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyada oo la xiriira canshuur ay Wasaaraddu ku soo rogtay ganacsatada oo iyaguna arintaan siweyn uga hor yimid.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT