Ciidamada Puntland oo Toogasho ku dilay Nin Shabaab ah kadib markii…

 

Ciidamada amniga magaalada Boosaaso ayaa maanta toogasho ku dilay nin ay sheegeen inuu ahaa argagixiso dil geysan rabay.

Ninka toogashada lagu dilay oo ku hubeysnaa bistoolad ayaa doonayay inuu dil u geysto askari ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa goob boosteejo ah waxana la sheegay in xilliga uu dilka fulin rabay uu arkay askarigii uu dilka u geysan rabay isla markaana askariga toogasho ku dilay ninkii hubeysnaa.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa qaatay meydka ninka la dilay kuwaas oo sheegay inay baarayaan ujeedada u lahaa ninkan oo ay tilmaameen mid ka mid ah argagixisada dilalka ka geysan jirtay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay ku daba joogaan laba nin oo kale oo la soctay ninka la dilay iyagoona sheegay inay gacanta kusoo dhigi doonaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT