Afhayeenkii Odayaasha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye oo xalay Geeriyooday

Waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho Afhayenkii Odayaasha Dhaqanka Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Nabadoonka ayaa wuxuu ku geeriyooday isagoo ku jira Isbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho sida ay inoo xaqiijiyeen qaraabadiisa.

Wararka ayaa sheegaya inuu Nabadoonku u geeriyooday xanuun hayay maalmihii lasoo dhaafay oo uu Isbitaal la jiifay.

Axmed Diiriye Cali ayaa kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka kuwooda loogu yaqaanay gudaha dalka Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyey.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT