Yaa Ku Toogtay Kaniisadda Haweenka Ruushiyaanka?

Shan qof oo haween ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka Ruushka.

Waxaa dhaawacmey shan kale, oo ay ku jiraan sargaal booliis iyo mid ka mid ah ilaalada kaniisada.

nin hubeysan ayaa rasaas oodda uga qaaday xabado dad kasoo baxayey kaniisadaasi oo ku taalla magaalada Kizlyar.

Qofkii weerarka soo qaadey ayaa lagu toogtay goobta. Waxaa la ogaadey inuu ahaa 22 jir lagu magacaabo Khalil Khalilov, oo ka tirsanaa dadka deegaanka Dagestan.

Kooxda isku magacawdey Khilaafada Islaamka, ayaa sheegtay inuay iyagu mas’uul ka ahaaayeen, ha yeeshee ma aaney soo bandhigin wax cadeynaya iney iyagu ka danbeeyeen.

Wargeyska RBK oo Ruushka laga leeyahay maalinlana ah, ayaa kasoo xigtay baadari heysta madhabka Orthodox ee diinta Christian-ka, in weerarku dhacey wax yar uun ka dib markii ay dhammaaday wacdi.

“Waxeynu bognay qudbadihii, dadkiina waxey isu diyaariyeen iney ka baxaan kaniisaddii. Nin gar leh, ayaa kusoo orday dhanka iyo kaniisadda, isagoo ku dhawaaqaya kalmadda ‘Allaha Abkar’ (Ilaahey baa weyn) wuxuuna diley afar qof,” sidaasi waxaa yiri baadarigii.

“Wuxuu watey ninkii weerarka soo qaadey qori iyo toorrey,” ayuu intaa ku darey.

Kooxda isku magacawday Khilaafada Islaamka, ayaa ku fulisay hawlgalkan magaceeda qeybta gobolka Caucasus, tani oo ah faracii ugu danbeeyey ee kooxda hirgalisay sanadkii 2015-kii.

Faraca kooxda ee gobolka Dagestan, ayaa sheegtay inuu mas’uul ka yahay weeraro badan oo dad badan galaaftay, kuwaasoo loogga soo horjeedo masulliyiinta iyo goobo rayid ah.

Dagestan, ayaa ku taalla dhanka waqooyi ee gobolada Caucasus-ka, waa gobol ku caana dad kala qowmiyado ah, intooda badanna waa Muslim.

Xigasho:- BBC


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT