Xavi Hernandez: “Cristiano Ronaldo Ayaa Ka Fiicnaa Neymar Kulankii Bernabeu? Maya! Maya! Taasi Cadaalad Ma Ahan

Xavi ayaa sheegay ciyaarta ka hor in PSG ay ugu cadcadeyd kulanka, waxaana wareysi uu siiyay warbaahinta Faransiiska ee So Foot uu sharaxaad ku bixiyay in natiijada ay aheyd cadaalad darro, mana aaminsana in Cristiano Ronaldo uu ka ciyaar fiicnaa Neymar kulankii Bernabeu.

“Waxaan aqriyay warbixino badan oo sheegaya in Cristiano uu ka ciyaar fiicnaa Neymar. Maya! Maya! taasi cadaalad ma ahan” ayuu yiri Xavi Hernandez oo qiimeynayay ciyaartii Santiago Bernabeu ka dhacday isbuucii la soo dhaafay.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Muxuu Ronaldo sameeyay? Rigoore iyo gool uu jilibkiisa ku dhaliyay….. Laakiin, aaway xaaladaha halista aheyd ee uu abuuray? Qaladaadka uu ku qasbay inay Madrid sameyso iyo kubadaha rogaalceliska ah ee uu bilaabay. Cabsida uu ku abuuray Madrid?”

Xavi ayaa sidoo kale weydiiyay haddii PSG ay soo laabasho sameyn karto kulanka Parc des Princess oo ay u soo bixi karto wareega sideed dhamaadka Champions League.

“PSG soo laabasho waa ay sameyn kartaa. Ma ahan wax aan suurtogeleynin in laga soo laabto labo gool. Wax badan ayaa dhici kara 90ka daqiiqo. Feker ahaanteyda PSG waxa ay leedahay hamiga ay ku bedeli karto natiijada. Alves, Verratti, Di Maria…. Waan la yaabay Di Maria xitaa hal daqiiqo ma uusan dheelin.”


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT