Shirka ku saabsan Ammaanka deegaanada Maamulka KGalbeed Soomaaliya o ka furmay Baydhabo

Kulan looga hadlayo horumarinta xaaladda Amniga iyo xasilinta degaannada hoosyimaada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta Ku meel gaarka ah ee maamulkaasi.

Shirkaan waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka iyo mida Koonfur Galbeed ayaa muddada uu socdo waxaa looga hadli doonaa qodobbo la xariira wax-yaabihii ka qabsoomay qorshayaashii loogu tala galay xasalinta deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyo waxyaabihii aan qabsoomin iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.

Muddada shirkan socdo waxaa ka qayb galaya Wasaaradaha Haweenka, Dhalinyarada, Amniga Koonfur Galbeed, Duubabka dhaqanka, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo xubno ka mid ah gudoomiyayaasha Degmooyinka .

Qodobada kale ee kulanka mudada uu socodo lagu jeex jeexi doono waxaa ka mid ah u diyaar garowga sidii Al-shabaab looga saari lahaa degaanada ay wali ku sugan yihiin, halkaasi oo shacbiga ku nool ay ku hayaan dhibaatooyin baaxad leh.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Koonfur Galbeed Maxamamed-nuur Madoobe Nuunaw Maxamed ayaa ka qayb galayaasha shirka u faah faahiyey qodobada muhiimka ah ee ka qayb galayaasha shirka horyaalla, kuwaasi oo u baahan in go’aan wada jir ah laga gaaro.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT