RASMI: Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Iney Heshiis Rikoor Ah Oo Shan Sano Ah La Saxiixatay Shirkadda Diyaaradaha Emirates.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqday inay shirkadda diyaaradaha Emirates la gaartay heshiis shan sanadood ah oo ku kacaya 200 Malyan oo Pound taasoo ka dhigan in si weyn loo balaariyay heshiiskii hore, waxeyna ka dhigan tahay iney kooxda sameysay heshiiskii ugu weynaa taariikhda.

Garoonka Emirates ayaa sii lahaan doona magaca “Emirates Stadium” sidoo kalana waxaa sii socon doonaa xayeysiinta loogu sameeyo maaliyadda ay kooxda ku ciyaarto iyo sidoo kale kuwa tababarka – heshiiskaan wuxuu socon doonaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2023/24.

Heshiiska wuxuu sanadkii ku qiimeysan yahay 40 Malyan oo Pound, Gunners ayaana wali heshiis la ah shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxeyna kooxda wada shaqeynta la bilowday markii ay isga soo guurtay Highbury oo ay sanadkii 2006 usoo guurtay garoonkooda cusub.

“Heshiiska cusub ee aan u kordhinay shirkadda aan bah wadaagga nahay wuxuu socon doonaa ilaa 2024, iyadoo hoosta laga xariiqay inta ay labada shirkadood ku qiimeysan yahiin iyo faa’iidada xiriirkooda”

Dhanka kale heshiiska waxaa qeyb ka ah in ugu yaraan ay macquul tahay magaca garoonka inuu sii jiro iala 2028.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT