Qarax Xooggan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino uu qabsaday gaari nooca xamuulka ah oo siday bal.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay inta udhaxeysa deeganada Bunqabad iyo Ambareeso ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana halkaasi ku dhintay laba ka mid ah rakaabkii saarnaa gaariga.

Saddexda qof ee dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxa ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka Magaalada Baraawe, waxaana u soo gurmaday ciidamada Amisom oo dhaawacyada halkaasi ka qaaday.

Qaraxan miinada oo wadada ku aasnaa, ayaa sida Saraakiisha ay sheegeen waxaa wadada galiyay Ururka Al Shabaab oo la damacsanaa inay ku qarxiyaan gaadiidka Amisom ee wadadaasi isticmaala.

Wadooyinka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxa ay yihiin kuwa halis ah marka la eego qaraxyada miinooyinka ah ee Ururka Al Shabaab halkaasi ay ku aasaan.

Al Shabaab ayaa inta badan miinooyinka nooca culeyska ku qarxa waxa ay galiyaan wadooyinka Gobolka Shabellaha hoose si ay ugu dhibaateeyaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT