Qaab noocee ayuu Mudane Kheyre ula hadlay Taliyeyaasha Nabad Sugidda,Booliska & Asluubta?

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray taliyeyaasha cusub ee maanta ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayna ku dhawaaqeen.

Qoraal uu Bartiisa Facebkooka uu soo dhigay R/asaaraha ayuu ku sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo iney si cadaalad ah u gudanayaan xilka Qaranka la duud saaray.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka uu R/Wasaaraha soo dhigay Bartiisa Facebooka.

Waxaan hambalyo u dirayaa Taliyayaasha la magacaabay ee Ciidanka Booliiska, NISA iyo Asluubta, rajo wayn ayaan ku qabaa in ay si cadaalad ku jirto ugu adeegi doonaan shacabkooda. Sidoo kale waxaan u soo jeedin in ay Mas’uuliyad weyn iska saaraan xilka loo igmaday.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT