Madaxda Dowladda oo ballankii uga baxday siyaasi Cabdi Jiinow kadib markii……

Golaha Wasiirada Xukuumadda ee Federaalka dalka Soomaaliya shir ay maanta ku yeesheen caasimadda dalka ee Muqdisho ayay ku magacaabeen 3-da Taliyeyaal Ciidan ee mudada 3-bilood u danbeysay banaanaa.

Shaqsiyaadka la magaacabay oo aan horay qeyb uga heyn saadaalinta la sameynayay ayaa hadda qabsaday baraha Bulshada iyo halka ay Xukuumadda Soomaaliya u martay magacaabistooda.

Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Asluubta. oo kasoo jeedo Beesha Madhibaan Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed oo kasoo jeedo Beesha Majeerteen Taliyaha Nabadsugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen, oo kasoo jeedo Beesha Digir iyo Mirifle Magacaabistaan ayaa noqotay mid si weyn loola yaabay kadib markii xilalka loo dhiibay shakhsiyaad aan aheyn kuwii la hadal hayey.

Waxaa si aad ah loo hadal hayay in Taliyaha Booliska loo magacaabayo Cabdi Jiinow Calasow oo horay u soo noqday maariyihii Dekadda Muqdisho iyo Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa keenay isbedelka, hayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in R/Wasaaraha Soomaaliya uu ka cararayo iska dhac.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT