Daawo:- Maxaad Ka Taqaanaa Taliyayaasha Maanta La Magacaabay?

Maxaad Ka Taqaanaa Shaqsiyaadka Loo Magacaabay Taliyaasha Booliska, Nabad-Sugidda & Asluubta
February 19, 2018 0
SHARE Facebook Twitter
Kulan deg deg ah oo ay maanta yeesheen golaha wasiirada DFS ayaa waxaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada.

Kulankan oo uu shir gudoominayay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay taliyaasha Booliska, Nabad Sugida iyo

Taliyaha Booliska Janaraal Bashiir Axmed Maxamed oo horey u ahaa taliye ku xigeenka.

Sargaalkan ayaa ahaa sii hayaha xilka taliyaha booliska, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi awood buuxda u leh ciidamada booliska.

Sidoo kale, waxaa uu xariir dhow la leeyahay madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Farmaajo sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Taliyaha Nabad Sugidda ayaa loo magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen, oo ahaa Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ayaa weyn doona xilkiisa xukuumadda, waase shaqsi awood uleh shaqada loo dhiibay.

Inkastoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu xilkaas qabto, hadana Taliye Xuseen Cismaan ayaa waxaa horyaal shaqo adag.

Taliyahan oo kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool isla markaana ah xildhibaan katirsan DFS ayaa mar isku soo sharaxay gudoomiyaha Baarlamaanka.

HOOS KA DAAWO VIDEO MAGACAABIDDA

Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada asluubta ayaa loo magacaabay Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe oo horey jagadaas u hayay

Xilal badan oo ay kamid yihiin isla xilka hadda loo magacaabay iyo taliyaha NISA ayuu soo qabtay Sareeyo Guud Bashiir Goobe.

Waa Shaqsi si weyn looga yaqaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana uu kusoo caan baxay hay’ada Nabad Sugidda xiligii dowladii Xasan Sh Maxamuud.

Si kastaba, Taliyaashan la magacaabay ayaa laga sugayaa iney wax qabad wanaagsan keenaan xili DFS ay ku jirto cadaadis dhanka amaanka iyo siyaasadda ah.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT