Ciyaartoya Barcelona Oo Soo Gaaray London Ka Hor Kulankooda Habeen Dambe Ee Lugta Hore Wareega 16-ka Champions League+SAWIRO

Lionel Messi ayaa la kulmay halyeeyga Barcelona Gary Lineker iyo afartiisa caruurta kadib markii ay kooxdiisa ka dagtay magaalada London ka hor kulanka ay habeen dambe la ciyaari doonaan Chelsea kulan ka tirsan wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.

Lineker ayaa bartiisa Intagramka soo dhigay sawirka isaga iyo afartiisa caruur ah ay la galeen Lionel Messi: “Hadda ayey dhacday. Ugu dambeyntii waxaan ku guuleystay inaan abaabulo wax xiiso u leh afarta wiil iyo aabaha, Mahadsanid Leo”

Wiilasha Ernesto Valverde ayaa maanta oo isniin ah soo gaaray London, waxeyna isha ku hayaan iney la ciyaaraan Chelsea kulanka lugta hore wareega 16-ka, tababare Conte ayaana la filayaa inuu kooxdiisa si fiican u hagaajiyo si ay wareegyada xiga ugu gudbaan.

Sawirada la baahiyay waxaa kasoo muuqday Gerard Pique, Samuel Umititi, Ousmane Dembele, Jordi Alba, Aleix Vidal iyo Stegen.

Halkaan Ka Daalaco Sawirada:-

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)

ADVERTISEMENT