Bannaan Ku Aaddan Xakameynta Hubka Oo La Qorsheynayo Inuu Ka Dhaco Mareykanka

Dadkii ka bad-baaday weerarkii toogashada ee toddobaadkii hore ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Florida, ayaa ku baaqay isu soo bax ay ka sameyn doonaan bisha soo socota magaalada Washington ee xarrunta Mareykanka iyo magaalooyin kale oo waawayn, si ay cadaadis ugu saaraan wakiillada dowladda inay la yimaaddaan qorshayaal la taaban karo oo looga hortagi karo weeraro dhaca mustaqbalka.

Cameron Kasey oo ka mid ah ardada qorsheynaysa bannaanbaxan ayaa sheegtey in ay taasi u sameynayaan sidii noloshooda loo bad baadin lahaa.

Waxa ay tiri, “hore ayay tani u dhacday, mana jirin wax is baddal ah.”

Kasey ayaa sheegtey in mid ka mid ah qorshayaasha bannaanbaxani ay u sameynayaan uu yahay sidii ay u ceebeyn lahaayen siyaasi kaste oo lacago ka qaata ururada hubka ee qaranka oo NRA loo soo gaabiyo.

Waxay sheegtay in NRA-du ay horrumarineyso dhaqan keenaya inay dhacaan dhibaatooyin noocaani oo kale ah.

Nikolas Cruz, oo 19 sano jir ah, ayaa toddobaadkii hore weeraray iskuul ku yaalla gobolka Florida, halkaas oo uu ku dilay 17 ruux.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT