Waddooyinka Xiran Ee Magaalada Muqdisho Goormaa La Furayaa?

 

Sanad iyo maalmo waxaa xiran waddooyin badan oo magaalada Muqdisho, taasi oo saameeyn weyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan magaalada.

Xog hoose oo aan helnay waxay sheegayaan in DFS ay waddo qorshe ballaaran oo ay ku dooneyso iney ku furto waddooyinkaan xiran.

Labada Bil ee soo socota ayaa la sheegayaa in laga yaabo in la furo waddooyinkaan xiran.

Ma jirto go’aan rasmi ah oo ku aadan in la furo waddooyinka xiran, hase ahaatee dad ku sugan Villa Soomaaliya ayaa saadaalinaya in la furi doono waddooyinkaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT