Taliye ka tirsan Ciidanka Puntland oo lagu eedeyay inuu xiriir laleeyahay Daacish oo xabsiga la dhigay

Wararka nagasoo gaaraya Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay taliyihii ciidanka booliiska degmada Qandala.

Taliyaha la xiray oo lagu magacaabo Maxamed Guri Gube, ayaa lagu eedeeyay inuu xiriir lala leeyahay kooxda Daacish ee kusugan deegaano ka tirsan Puntland.

Taliyaha la xiray ayaa waxaa xarigiisa amray taliyaha ciidamada booliiska ee gobolka Bari oo sheegay in taliyaha ciidamada booliiska Qandala uu xiriir kala dhexeeyo kooxda Daacish ee fariisinka kuleh deegaankaas.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay xog naga siiyaan xariga taliyaha balse waxay inoo xaqiijiyeen in taliyaha uu iminka ku xiranayahay saldhig ku yaala magaalada Bosaaso.

Taliyaha ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan in iminka baaritaan lagu wado isla markaana uu sidoo kale baaritaan ku socdo telefanada uu isticmaalo.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT