Rag La Soo Qabtay Ayagoo Arrimo Qatar ah Gacmaha Kula Jira+SAWIRO

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta deegaanka Gubadley ee duleedka Bari degmada Kaaraan ka soo qabteen waxayabaha Maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayay.

Howl gal ay iska kaashadeen Qeybta Bari ee Booliska iyo Ciidanka xoogga dalka aya lagu soo qabtay ragga ka ganacsanayey waxyaabaha Maanka dooriya iyo hal Nin oo la sheegay in uu kufsi geystay.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidamada wax ay ku qabteen Fuustooyin ay ku jireen waxyaabaha Maanka dooriya iyo 7 Rag ah kuwaas oo lix ka mid ah ay ka Ganacsanayeen Waxyaabaha Maanka dooriya.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyay waday howlgalo ay ku baadi goobayaan waxyaabaha maanka dooriya iyo ragga ka ganacsada.

 

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT