Muxuu M/weyne Farmaajo Ka Yiri Xiisadda Ganacsatada & Wasaaradda Maaliyadda?

Kullan dhexmaray Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa la isku mari waayay,waxaana mar kale cirka isku sii shareeray khilaafka Ganacsatada Gobolka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku adkeysanaya canshuurta Iibka ee lagu kordhiyay Ganacsatada,taasi oo dhalisay iney ganacsatada ka cabasho ka muujiyaan canshuur kordhinta lagu sameeyay.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa ugu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu soo farageliyo khilaafka ka dhashay canshuurta iibka ah ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.

Waxaa maanta shaqo joojin ka jira Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo ay saameyn ku yeelatay boqolaal qof ee ka xamaalan jiray suuqa oo nolol maalmeedkooda ka soo dhacsan jiray.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT