Maxay Tahay Maamulka G/Hiiraan Digniinta Culus Ee Uu Diray Dadka U Dacwooda Maxkamadaha Al-Shabaab?

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay u dacwo doontaan Maxkamadaha Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada ay ka maamulaan Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in cidkasta oo ay ogaadaan in ay u dacwo doontaan deegaanada Al-Shabaab ama u safra in aysan ku soo laaban doonin Magaalada Baladweyne isla markaana Maamulku uu tallaabo ka qaadi doono.

Waxa uu sigaar ah u soo qaatay Afhayeenka deegaanada Quracleey iyo Booco oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in cid allaala iyo cidii dacwad u gudbisa Shabaab iyo cida ay ka dacwooto xagaf yar ama dhibaato soo gaarta iyada lagula xisaabtami doonto hantideedana lala wareegi doono.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Afhayeenka:-


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT