Maxaa sababay Khilaafka ka jira  dalka Itoobiya, iscasilaada  Desalegn,Yaase bedelaya?

Dhacdooyinkii siyaasadeed ee ugu danbeeyey Itoobiya marka laga hadlayo, Raysalwasaare Hailemariam Desalegn waxaa uu si rasmi ah u gudbiyey iscasilaaddiisii, isaga oo banneeyay jagada Raysalwasaaraha iyo Guddoomiyaha Isbahaysiga talada haya ee EPRDF. Tani waa xaajo ugub ah—cidnana garan mayso halka ay wax ku danbayn doonaan. Desalegn waxa loo doortay in uu dheellitiro danaha kala geddisan ee qaybaha ku midaysan Isbahaygisa xukunka haya. Waxa uuna ilaa goor dhowayd u muuqday mid arrintan ku guuleystay.

Haddaba, sidee ayay xaaladda ay hadda ku jirto ku soo gaartey Itoobiyada keligiitaliska ah ee xulafada la ah Maraykanka isla markaana ah waddanka labaad ee Afrika ugu dadka badan? Hoos ka akhriso waxa aad u baahan tahay inaad arrintan ka ogaato.

Taariikhdan koobani waxa ay sharraxaysaa sababta ay Itoobiya u khalkhalsanayd ilaa iyo 2015

1991-kii ayaa ay soo gebogeboobeen sannado badan oo dagaal sokeeye, waxana xukunka laga tuuray keligiitaliyihii Shuuciga ahaa ee Itoobiya. Meles Zenawi ayaa saaxadda soo galay isaga oo ah nin awood badan oo ay dabada ka riixayaan jabhaddii qowmiyaddiisa ee “Tigrayan People’s Liberation Front”, waxa uuna xukunka hayey sannado badan isaga oo qayb ka ah Isbahaysiga qowmiyadda ku salaysan ee EPRDF. Walow Isbahaysigan ay qayb ka yihiin xisbiyo metala saddex qowmiyadood oo kale (Amxaarada, Oromada iyo Midowga Qowmiyadaha Koonfurta), haddana qowmiyadda Tigreega ayaa si adag gacanta ugu haysey waddanka.

EPRDF waxa uu qaatay nidaamka Federaalka qowmiyadda ku salaysan si uu u maamulo 80-ka qowmiyadeed ee kala duwan ee waddanka ku dhaqan. Keligoodtaliyayaasha Afrika waxa ay istaraatijiyad ahaan maamul-daadejinta iyo dibuhabaynta maamul u adeegsadaan inay awooddooda ku xoojiyaan.

Zenawi iyo hoggaamiyayaasha Tigreegu si taxaddar leh ayay nidaamka gacanta ugu qabteen, iyaga oo hubsanaya inaan koox kale isku soo taagin awoodda dhexe. Ka dib isku dayo looga gon lahaa liberaallaynta [nidaamka] oo dhacay 1990-neeyadii iyo horraantii 200o-sannadii, doorashooyin qaran oo muran ka dhashay oo dhacay 2005-kii ayaa keenay in mucaaradku ay ku guuleystaan saddex meelood oo meel kuraasta Baarlamaanka waddanka. Mucaaradku waxa ay EPRDF ku eedeeyeen isdabamarin doorasho, dibadbaxyo ayaana bilawday.

Zenawi isaga oo tan ka jawaabaya, dawladdii EPRDF waxa ay sii kordhisey keligiitalisnimadii. Iyada oo isku dayaysa inay xakamayso iska caabinta lagaga horyimid taliskana, waxaa ay bilawday ansixinta shuruuc cusub oo adadag, cabsigelinta iyo xirxiridda mucaaradka, warbaahinta madaxa bannaan iyo hoggaamiyayaasha bulshada rayidka ah. Zenawi waxa uu geeriyoodey sannadkii 2012—waxase indheeyayaasha la yaab ku noqotay xukun-la-wareeggiddii Dessalegn ee nabadda ahayd. Dessalegn oo ka soo jeeda qowmiyadda Wolayta waxa uu metalayey kooxaha isgaashaanbuuraystay ee dega Koonfurta Itoobiya oo aan hore u qaban xil sidan u sarreeya.

Fakaaggii awoodeed (power vacuum) ee ka dhashay dhimashadii Zenawi iyo keligiitalisnimada sii kordhaysa ayaa sannadkii 2015 keentay muddaharaaddo shacbi. Wakhtigaas laga soo bilaabana midnimadii ERPDF dhexdeeda ayaa khatar gashay. Labada Madaxweyne ee labada dawlad gobolleed ee waddanka ugu weyn ee Amxaara iyo Oromiya—oo hoy u ah labada qowmiyadood ee waddanka ugu ballaadan—waxa ay xagaagan ku dhawaaqeen inay qayb ahaan taageersan yihiin dibadbaxyada, waxa ayna dalbadeen is-xukun gobolleed oo la taaban karo iyo in la soo afjaro maquuninta ay Tigreegu maquuniyeen dalka.

Wareegyadii ugu danbeeyey ee dibadbaxyadii 2017, EPRDF waxa lagu sameeyey wax loogu yeedhay “dibuhabayn qotodheer.” Si la iskugu dayo khafiifinta culayska lagu hayo taliska iyo si loo sameeyo dibuheshiisiin qaran, usbuucyadii ugu danbeeyey, Dessalegn waxa u sii daayey in ka badan 6,000 oo maxaabiis siyaasadeed ah oo uu ku jiro hoggaamiyaha mucaaradka Oromada mudane Merera Gudina.

Dabadeed, dibudhaca ku yimi siideynta maxaabiista iyo mugdi ku jirey ujeedka EPRDF ayaa haddana dhaliyey dibadbaxyo cusub oo ka dhacay Oromiya. Si loo dejiyo dibadbaxyada, 13-kii Febraayo, EPRDF waxa u soo daayey ku dhawaad 700 oo maxaabiis, oo ay ku jiraan saxafiyiinta Eskinder Nega iyo Andualem Arage, iyo hoggaamiyaha mucaaradka Oromada Bekele Gerba.

Maxaa uu isku casiley—yaana beddeli doona?

Dib uhabaynta gudeed ee ERPDF waxa ay muujisay sida loo diiddan yahay hoggaanka dhexe ee ERPDF. December, 2017 bayaan ka soo baxay guddiga sare ee xisbiga talada haya waxa uu hoggaanka xisbiga ku eedeeyey dawlad-wanaag la’aan iyo in lagu fashilmay ilaalinta [nolosha] rayidka ee xilliga dibadbaxyada. Bayaankani waxa uu afarta xisbi ee Isbahaysiga ka tirsan ku dhiirigeliyey inay beddelaan hoggaamiyayaashooda—xisbiga TPLF ayaa sidan sameeyey wakhti yar ka dib. Sidoo kale, xisbiga SEPDF ayaa hadda weydiistey hoggaamiyayaashooda oo uu ku jiro Dessalegn inay xukunka banneeyan.

Yaase beddeli doona Raysalwasaaraha? Guddiga dhexe ee ERPDF ayaa hadda kulmaya, waxa ayna lafagurayaan weydiintan iyada oo, sida la garan karo, ay dhexmarayso doodo qowmiyadeed oo kulul. Marka la eego dibadbaxyada gobolka Oromada, oo ah hoyga qowmiyadda Itoobiya ugu badan, waxa dabiici u muuqanaysa in qof Oromo ah loo doorto hoggaaminta dalka. Tani se waxa ay u baahan tahay taageerada qowmiyadda labaad waddanka ee Amxaarada oo taariikh ahaan, ka hor ERPDF, ahayd qowmiyadda talada gacanta ku haysa.

Xubnaha guddigani waxa wadahadalladooda shidaalinaya oggaanta ay og yihiin in haddii ay ku fashilman taageeridda hal musharrax, uu isbahaysigu halis ugu jiro kala daadasho ku salaysan qowmiyad iyo tartan loo galo garabka gacanta ku dhigi doona dawladda. Si ay kala daadashadan uga baaqsadaan, waxa laga yaabaa inay xushaan kuxigeenka Dessalegn ee xisbiga Koonfurta, oo noqon doona musharrax kale oo tanaasul ku yimi si loo joogteeyo xaaladda ay hadda Itoobiya ku sugan tahay.

Waxa kale oo jirta hab kale oo ay soo bandhigeen hoggaamiyayaasha gobolka Oromada: ha la oggolaado xisbiyada mucaaradka ah ee ka baxsan isbahaysiga talada haya si loo gaaro dibuheshiisiin qaran oo waxtar leh. Tani waxa ay ka jawaabi kartaa dalabaadka dibadbaxayaasha ee ay ku dalbanayaan dimuqraadiyad iyo xuquuq aadame oo badan. Marka se xisaabta lagu darsado xaaladda degdegga ah ee ay dawladdu soo rogtey Jimcihii, xisbiga talada hayaa waxa uu u muuqdaa in uu doonayo in uu xuurtaysto talada. Waxana laga yaaba in dawladdu ay si adag uga jawaabi doonto dibadbaxyada ka socda waddanka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT