Maxaa Ka Run Ah Muranka U Dhaxeeya Wasaaradda Difaaca & Villa Somalia ee Ku Aaddan Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab?

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa waxay sheegayaan inmuran aad u xoogan uu xilligaan ka jiro wasaaradda difaaca Soomaaliya iyo sidoo kale Villa Soomaaliya, taasi oo ku aaddan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda sare ee DFS ay sheegeen in qorshaha hadda loo wado dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab aanay macquul ahayn, islamarkaana dad badan ay dhibaato sii gaari karto.

Wasaaradda difaaca ayaa sheegeysa in hadda ay wadaan oo kaliya qorshihii lagu tijaabin lahaa awoodda Al-shabaab, dagaallada hadda socdana ay yihiin oo kaliya kuwo lagu qalqalgelinayo Al-shabaab.

Arrintaasi waxay madaxda DFS u arkaan iney tahay fursado la siinayo Al-shabaab, sababtuna waxay tahay magaalooyinka laga saaray ayaa hadana dib looga baxayaa.

Qorshahan dagaal waxaa soo dejisay dowladda Maraykanka, balse sida muuqata DFS kuma qanacsana sidey wax u socdaan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT