Guddoomiyaha G/Banaadir oo indhaha u shitay Ganacsatada Muqdisho, kuna amray inay xayiraadda ka qaadaan Dekadda

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ganacsatada Gobolka oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga doodeen Khilaafka ka taagan Canshuur kordhinta Ganacsatada lagu sameeyo iyo shaqo joojinta ay ganacsatada sameeyeen.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo shir ka hadlay ayaa sheegay iney dhibaato xoogan ay ku tahay canshuurta ay Wasaaradda Maaliyadda ku kordhisay,islamarkaana loo baahan yahay in laga dul qaado si dhaq dhaqaaqii ganacsiga dib loogu soo celiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng: C/raxmaan Cumar Osmaan Yariisow oo madasha ka hadlay ayaa ka balan qaaday Ganacsatada iney xal u raadinayaan khilaafka,islamarkaana madaxad Dowladda ay arintaan kala hadlayaan,balse wuxuu ganacsatada ku booriyay ineysan dood ka keenin canshuur balse ay diirada saaraan culeyska arintaan kaga imaaday.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT