Fadeexad Ka Dhacday Madaxtooyda Soomaaliya Iyo Fahad Yaasiin Oo…

 

Warar hoose oo laga helay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in fadeexad aan caadi ahayn ay ka dhacday halkaasi.

Agaasimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa isku dayey inuu hor istaago wasiirro damacsanaa iney la kulmaay madaxweyne Farmaajo.

Agaasimaha ayaa u sheegay in madaxweynaha aan aysan la kulmi karin, xilli shaqo aad u muhiim ah ay u socdeen.

Hase ahaatee waxaa la sheegay in mid kamid ah wasiiradan oo magaciisa ka gabsannay uu sheegay inaanu aqbali doonin oo si xoog ah ku dhaafay halkii uu taagnaa Fahad.

Farmajo ayaa markii uu arrintaan ogaaday wuxuu si carro leh ku canaantay agaasimaha oo uu sheegay inuu qalad sameeyay.

Dhacdadan aad ayaa looga hadal hayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo arrimahan marar badan ay sidan oo kale usoo noqdeen.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT