Dowladda Turkiga Oo Caasimadda dalka Keenaya Qalab Casri Ah Oo Lagu Ogaado Qaraxyada

Dowladda Turkiga ayaa maalmaha soo aadan waxay magaalada Muqdisho usoo waddaa qalab casri ah oo naloo sheegay in loogu talogalay in lagu ogado qaraxyada.

Qalabkaan ayaa 5 KM ka sheegi kara qaraxyada, gaar ahaan gaadiidka qaraxyada lagu soo xiro.

Waxaa loogu talo galay in la dhigo meello badan oo magaalada ah, waliba loo badiyo meelaha laga soo galayo si looga hortago qaraxyada ay fuliyaan Al-shabaab.

Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ku leh saldhigga ugu weyn ee ciidamada, kaasi oo ay ku leeyihiin qaaradda Africa, waxaana ay DFS ka caawiyaan waxyaabo aad u badan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT