Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Shegtay In Itoobiya ay Xiratay Webiga Shabeelle & Hanjabad Cusub

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo biyo la’aanta webiga Shabeelle ka hadashay ayaa dowladda itoobiya ku edeysay inay sameysay xiyo xireen, taasina sababtay in wabiga shabeelle uu noqdo mid biyo la’aan ah.

Wasiirka wasaaradda tamarta iyo biyaha Saalim caliyow ibra ayaa shaaca ka qaaday in dowladda itoobiya ay xiratay biyihii webiga shabeele.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay Itoobiya xirtay webiga Shabeelle, tanina waxay ka hor imaaneysaa heshiisyada biyaha Adduunka, waxayna sababtay xirnaashaha webiga Shabeelle dhibaatooyin biyo la’aanee oo soo wajahday shacabka Soomaaliyeed kuwooda ku nool Gobollada dalka qaarkood.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT