Booliska Kenya oo fashilisay weerarkii ugu xumaa abid eel ala damacsanaayaa dalkeeda+ rag la qabtay oo sir sheegay

Ciidamada Booliska Kenya ayaa fashiliyay weerarkii Aragagixiso ee ugu weynaa ka dib dagaal mudo kooban socday oo dhexmaray dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamada Booliska Kenya.

Weerarka ayaa Ciidamada Booliska Kenya waxay ku dileen mid ka mid ah raggii hubeysnaa halka labo kale ay gacanta ku dhigeen ka dibna xabsiga u taxaabeen.

Sidoo kale,Ciidamada Booliska Kenya ayaa gacanta ku dhigay hub isugu jira 37-bambo gacmeed iyo shan qoryaha darandooriga u dhaca.

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa Wargeyska The Nation u sheegay in ragga hubeysan ay wateen gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo markii danbe gacanta u galay Ciidamada Booliska Kenya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT