Axmed Madoobe Oo Heshiis Cusub La Galay Beel Ka Mid Ah Beelaha Dega Jubbooyibka+Sabab?

 

Xog hoose oo laga helay magaalada Kismaayo ee G/Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu hadda wado qorshe ballaaran uu ku doonayo in heshiis cusub kula galo beesha Mareexaan.

Axmed Madoobe ayaa qaban doona kulan ballaaran oo uu la yeelanayo siyaasiyiinta iyo sidoo kale waxgaraka beeshaasi, waxaana uu doonyaa iney dejiyaan xaaladaha maadaama maalmihii ugu dambeeyay ay kacdoon sameynayeen.

Muhiimadda ama ujeedka ayaa ah in Jubbaland ay ka dhalato xasilooni siyaasadeed, sidoo kalena lasoo saaro shaqsiyaadka beesha Mareexaan ee diiddan maamulka Axmed Madoobe.

Geesta kale, ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Axmed Madoobe uu doonayo inuu meel saaro cid walbo oo dhaliilsan maamulkiisa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT