Mareykanka oo magaalada Muqdisho keenay Diyaarado dagaal oo dheeraad ah kadib markii….

Dowladda Mareykanka oo maalmahan dambe si aad ah uga qeybqaadaneysa dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa hadda waxay magaalada Muqdisho keentay diyaarado dheeraad ah oo ka qeybqaata howlgalladan.

Warar hoose oo laga helayo Xalane ayaa inoo sheegay in diyaaradaha hadda magaalada Muqdisho la keenay gaarayaan 6, waxaana 2 kamid ah yihiin Darone, Labo Miig iyo sidoo kale Labo Helicopter.

Waxay caawin doonaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale la sheegayaa iney duqeymo fulin doonaan.

Diyaaradahan ayaa wax badan ka bedali kara howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda magaalada Muqdisho.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT