Madaxda Shabaab oo si dirqi ah kaga baxsaday gacanta Ciidanka DF & Mareynkanka

Illo Xog ogaal ah oo ku sugan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa inoo sheegay in Hogaamiyaha ugu sareeya Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda uu labo maalin ka hor ka baxsaday Gobolka Shabeellaha hoose oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaa.

Mid ka mid dadka deegaanka Tooratoorow oo magaciisa u qariyay xaalad amni ayaa sheegay in hogaamiyaha Al-Shabaab Abuu cubeyda uu maalmihii u danbeeyay ku sugnaa deegaankaasi,islamarkaana uu baxsaday labo maalin kahor inta aysan dagaalka qorsheysan ku soo qaadin Ciidamada Militariga Soomaaliya iyo AMISOM.

Wuxuu sheegay ka hor inta uusan baxsan Waxgaradka iyo Shacabka deegaanka uu isugu yeeray islamarkaana uu kala hadlay sidii loo garab istaagi lahaa Al-Shabaab loogana qeyb qaadan lahaa dagaalka ka dhan Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Sidoo kale,Hogaamiyaha Al-Shabaab oo watay qori AK47,madaxana cimaamad ku siday ayaa shacaba uga digay iney u sacab tumaan Ciidamada DF iyo AMISOM,haddii ay dhacdo iney Arrintaan sameeyaana dhibaato kala kulmi doonaan.

Lama oga halka uu u baxsaday Hogaamiyaha Al-Shabaab oo tan iyo magacaabistiisa dhuumasho ku jiray,waxaana gal hore laga sheegay Gobolka Gedo oo uu baxsad ku tagay ka dib duqeyn lagu weeraray.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Gobolka Shabeellaha.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT