M/weyne Farmaajo oo weli Diidan in Kheyre uu u socdaalo Imaaraadka & Kheyre oo ku Madax adeegaya

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Wakaalada Warqaad.com u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu wali diidan in Ra’iisul wasaare Kheyre uu u ambabaxayo markii ugu horeysay dalka Imaaraadka.

R/wasaare Kheyre ayaa hore kaga horyimid diidmada Madaxweynaha wuxuuna sheegay inuu casuumaad ka helay Imaaraadka sidaa darteedna uu u safrayo, arintan ayaana wali wax xal ah laga gaarin.

Safarka Ra’iisal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horeeyay ayaa maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsan Xafiiskiisa iyo Golaha Wasiirada.

Khayrre ayaa Casuumaad ka helay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Imaaraad Carabta markii ay ku kulmayn Shirkii ka dhacay Dalka Magaalada Davos ee dalka Switzerland waxa uuna aqbalay casuumadii loo sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo goor oo hore u booqday Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxda iyo amiirada dalkaas maamula, waxayna ka wada hadlayn Arimo khuseeya Soomaaliya iyo Khaliijka Carabta.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT