Kenya oo xaaska Roobow ku xukuntay muddo 10 sano ah

Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa toban sano oo xabsi ah ku ridday Xaaska Imaam lagu magacabi jiray Sheekh Cabuudi Roobow Maxamed oo 2012-kii lagu dilay Magaalada Mombasa.

Xaaska Roobow oo lagu magacaabo Hani Sagaar, ayaa lagu xukumay 10 Sano oo xabsi ah iyada oo loo haysto in ay xiriir la lahayd rag weerar ku qaaday Saldhigga Booliska Mombasa.

Weerarkaas kooxdii gaysatay waxaa ay saldhigga ku dhex dileen Saddex Gabdhood oo kala ahaa Tasniib Yacquub,Ramla C/raxmaan Xuseen iyo Muumino C/raxmaan.

Xaaska Sheekh Roobow ayaa lagu eedeeyay in Ragga weerarkaas fuliyay ay u fududeysay weerarka,iyada oo xukunka Maxkamadda ee tobanka sano ahna lagu sheegay in uu ka dhashay eedaha lagu helay.

Haweeneydan ayaa markii la xiraayay waxaa lala qabtay Saddex Haween ah oo kala ah, Luul Cali Tahliil, Nasteexo Cali Tahliil iyo Zamzam Cabdullahi, kuwaas oo la sii daayay kaddib markii ay Maxkamadda dambi ku weysay.

Eedaha kale ee Haweenaydaas lagu helay waxaa ka mid ahaa in lacag ay u dirtay ilo ka mid ah argagixisada islamarkaana la helay ducominitiyada lacag diridda ee ay sameysay.

Qoyska ay ka soo jeeda marwadaan la xukumay ayaa walaac xooggan ka muujiyay xukunka lagu riday gabadhooda.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT