Dowladda Qatar oo Gawaari ku wareejisay DF Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya ilaa 30 gaari oo o loogu talagaly ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha dekedda Muqdisho.

Waxaa dowladda Soomaaliya u guddoomay Wasiirka Amniga oo uu ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Xamza,iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyay dowrka ay ku leedahay taageerida dowladda Soomaaliya.

Gadiidkan ayaa noqonaya kuwii ugu tirada badnaa oo mar kaliya lagu wareejiyo Wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT