Dowladda Jarmalka oo xiray Nin Soomaaliyeed oo ku eedeysan in uu ka tirsan yahay Shabaab

Dowladda Jarmalka ayaa xirtay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo kooban Cabdulkaadir, kaasoo la tuhusan yahay in uu ka tirsan yahay Ururka Shabaab.

Xeer ilaaliyayaasha ayaa sheegay in Abdulkadir oo 20-sano jir ah laga soo qabtay gobolka Hesse Khamiistii.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu ku biiray sanadkii 2012-kii, isaga oo qaatay tababar dhinaca hubka ah sidoo kalana ka qeybgalay dilka qof rayid ah ah oo lagu toogtay gudaha masjid.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu isku deyay dilka xubin ka tirsan dowladda Soomaaliya laakiin ka badbaaday isku deygaas dilka ah.

Shaqsigan la qabtay ayaa la sheegay in uu tagay waddanka Jarmalka sanadkii 2014,ka.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT