Bulshada magaalada Boosaaso oo guul Taariikhi ah gaaray

Waxaa lagu guuleystay in guud ahaan rarkii laga dejiyo Doontii magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ku soo caariday 5-tii bishan Febraayo, taasi oo badbaadinta rarkii saarnaa doonta ay ka wada qeyb qaateen dhammaan Maamulka Gobolka iyo shacabka reer Boosaaso.

Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta hantida saaarnayd Doonta Sheekh Fu’aad Aflow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay badbaadinta Hantidaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka Boosaaso ay maalmo kooban gudaheeda ku badbaadiyeen rarkii saarnaa doonta.

Guddoomiyaha gobolka Beri ee Puntland Yuusuf Maxamed Waceys ayaa sheegay in maamulkiisa ay agab ugu deeqeen dadkii ku howlanaa howlaha badbaadinta.

Waxa uu xusay in shacabka Magaalada Boosaaso ay muujiyeen isku duubni iyo in wadajir guul lagu gaarayo.

Wasiirka Wasaarada Dekedaha Maamulka Puntand Siciid Maxamed Raage ayaa dhankiisa sheegay isku tashigan inuu tusaale u yahay in bulshada hadii ay isku tagaan ay wax badan qabsan karaan.

Waxa uuna ka warbixiyay sida ay shaqada dekeda ku bilaabaneyso.

Doontan oo lagu magacaabo Xafiis ayaa waxa ay u rarneyd Ganacsatada maamulka Puntland, Hantida saaran Doonta ayaa qiimaheeda waxaa lagu sheegay ku dhawaad 10-Milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa bogaadiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay howshaas, wuxuuna Madaxweynuhu amar ku siiyay Wasaaradda Maaliyada inaan laga qaadi karin hantidaas wax canshuur ah.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT