WORLNEWS:- Wiilkii Dilka ka geystay USA, Trump & Muslimka, Awooda Turkey & Rayid la laa’yay

ASCWW, Jimco Wanaagsan dhamaan Akhristayaasha Warqaad.com, kuna soo dhawaada Wararkii Ugu Dambeeyay ee Caalamka.

Donald Trump Wuxuu Bartilmaameedsanayaa Muslimka

Dadaalka ugu badan ee ilaa haatan uu sameeyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ah in dalkiisa uu udiiday qaxootiga dhowr wadan oo Muslim ah, laakiin arintaas ayaa axaa ka horyimid Maxkamadaha gobolada.

Afar kamid ah 9-kii go’aan ee uu Donald Trump kasoo saaray qaxootiga ayaa lagu tilmaamay iney ahaayeen kuwa muslimka looga soo horjeedo oo aan dastuuri aheyn.

Arintaan ayaa hoos u dhigtay taageeradii uu heli lahaa Hogaamiyaha lacagta haysta ee Donald Trump kaas oo marar badan bogiisa Twitter-ka ku sheegay inuu fulinayo balanqaadkisii ahaa inuu qaxootiga ka joojinayo dalkiisa.

“Go’aanada kasoo baxay madaxweyne Trump iyo saraakiishiisa, waxaa ay muujineysaa sida sharci darada ah ee ay uga soo horjeedaan muslimka iyo naceybka ay uqabaan,” sidaas waxaa yiri garsoore Roger Gregory wrote.

Mareykanka ayaa lo diiday dadka kasoo jeeda dalalka Muslimka ah ee kala ah Chad, Iran, Libya, Somalia, Syria iyo Yemen, waxaa sidoo kale ku jira Waqooyiga Kuuriya iyo Venezuela.

Maxkamada sare ee Mareykanka ayaa bisha April dhagaysan doonta muranka la xariira amarka madaxweyne Trump.

Turkey oo Awood usheegtay Daacishka Siiriya

Wadar ahaan 1,551 oo katirsan kooxaha PYD/PKK iyo Daacish ayaa lagu laayay howlgalkii Turkey uu ka waday dalka Siiriya sidaas waxaa jimcihii maanta sheegay sargaal Turkey u hadlay.

20-kii bishii January , Turkey ayaa bilaabay howlgalkan si ay ucirib tiraan koxaha PYD/PKK iyo Daacish oo ku xooganaa gobolka Afrin ee waqooyi Galbeed Siiriya.

Sargaalka u hadlay Turkey ayaa sheegay in ujeedada howlgalkaas uu yahay in xaduuda dalkaas uu la leeyahay ay kuso celiyaan amaankii iyo kala dambeyntii.

Dad badan oo lagu laayay Nigeria

Ku dhawaad 18 qof ayaa ku dhimatay weerar ay rag hubeysan ka geysteen gobolka Samfara ee Waqooyi Galbeed Nigeria, sidaas booliska ayaa xaqiijiyay.

Koox hubeysan ayaa weeraray meel ay ku badnaayeen dad shacab ah, waxaana 18-ka qof ee dhintay ay ahaayeen shacab deegaanka ah.

“Dadka deegaanka ayaa waxaa weeraray rag aan heybtooda la garan, laamaha amaanka ayaana baaraya sababta ay falkaas u geysteen,” sidaas waxaa yiri sargaal booliska u hadlay.

Sedex Maalin kahor ayay sidaan oo kale rag hubeysan ay shan qof ugu dileen gobolka Plateau ee isla dalkaas Nigeria.

Kumuu ahaa Ninkii Dadka badan ku laayay Iskuul Ku yaala Mareykanka

Waxaa soo baxaya sawir aad u fool xun oo ku saabsan ninka toogashada ka geystay dugsiga sare ee Marjory Stoneman Douglas High School ee Parkland, Florida, halkaas oo uu ku laayay 17 qof, kuwa badan oo kalena uu ku dhaawacay.

Waa sawir ay dadka aad u garanayaan, marar badana maankooda kusoo noqnoqday.

Waxaa la sheegay in Nikolas Cruz uu ahaa wiil kaligiis ah, rabshad badan, waalidkiisna ay dhinteen, kaas oo laga eryay iskuulka kal hore.

Mid ka mid ah ardayda dhigata iskuulka ayaa sheegay in marar hore ardayda ay wiilkan kula kaftameen in uu maalin noqon doono nin toogasho ba’an ka geysta iskuulka.

Waxaa xaalka uga sii daray in hoggaamiyaha koox xagjirka ah caddaanka uu sheegay in Cruz uu ka tirsanaa kooxdooda, islamarkaasna uu tabobar ka qeybqaatay.

Macalin xisaabta dhiga oo lagu magacaabo Jim Gard ayaa wargeyska Miami Herald u sheegay in macalimiinta iskuulka loosoo qoray email looga digayo hanjabaado uu wiilkan horey u jeediyay, taas oo keentay in iskuulka laga eryo.

Waxa uu Gard intaas ku daray in wiilkan uu aad u jeclaa gabadh iskuulka dhigata, heer uu gaaray in uu dabogalo, meel kastana uga dabo tago iyada oo aan ogol ka ahayn.

Mid ka mid ah ardayda ayaa sheegay in Cruz uu aad ugu waalnaa hubka, isaga oo marar badan xitaa si ula kac ah u yeeriyay alaarmiga dabka ee iskuulka, illaa heer iskuulka laga eryey.

Cruz ma uusan lahayn wax saaxiibo, qof kasta oo ay isla hadlaane ganafka ayuu galin jiray.

Ciwaan uu ku lahaa barta Instagram-ka ayaa waxaa ka muuqday sawirrada tooriyo iyo hub kala duwan, inkasta oo markii dambe uu tiray ciwaankii oo dhanba. Mid ka mid ah sawirrada ayaa waxaa ka muuqda qori iyo qasnad rasaas ah oo sariir dulsaaran.

Sawir kale ayaa waxaa ka muuqda Cruz oo gashan koofiyadda ay ku qorantahay Make America Great Again oo ay xirtaan taageerayaasha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Arday ayaa sheegay in marar horena uu koofiyadaas usoo qaatay iskuulka.

Duqa magaalada ay arrinta ka dhacday Beam Furr ayaa taleefishinka CNN u sheegay in Cruz uu sanad ka hor tagay isbitaal xagga dhimirka ah, kaas oo uu codsaday in daweyn la siiyo.

Waxa uu dambiga ku geystay qori noociisu yahay AR-15 oo uu si sharci ah ku iibsaday.

Dadkii dariska la ahaa qaarkood waxa ay sheegeen in Cruz si fiican looga garanayay aagga in uu ahaa nin rabshad badan oo dadka oo dhan ay ka fogaadaan.

Haweenay lagu magacaabo Shelby Speno oo daris la ahayd ayaa sheegtay in uu digaagta ka laayay, ilmo qaniinay, uu xaday sanduuqa waraaqaha boostada lagu soo rido oo qof daris ah lahaa, iyo in uu ukumo fuunto ah ku tuuray gaarigeeda.

“Cunugaas waxa uu leeyahay fiiro kuuris ah oo aad looga baqo, waan iska garan karay in uu qof wax yeeleeyn doono, balse ma ogeyn kan uu yahay iyo meesha” ayay tiri Shelby.

Cruz wuxuu ahaa ilmo agoon ah oo ay qoys kale soo korsadeen, iyada oo labadii waalid ee korsadayba ay geeriyoodeen.

Markii dambe waxa uu lasoo dagay qoys wiil ay iskuulka isku barteen, wuuna la noolaa wixii ka dambeeyay markii hooyadii korsatay ay dhimatay sanad ka hor.

Maalintii uu falka samayn rabay, waa uu iska jiiftay, reerkana wuxu u sheegay sabab been ah, mardambe ayuu qaatay gaadiidka Uber, wuxuuna aaday iskuulkiisii hore, isaga oo reerka u sheegay in ay tahay maalinta jacaylka adduunka, oo uusan aadin iskuulkiisa cusub.

Garyaqaan ay maxkamadda u qabatay ayaa Mr Cruz ku tilmaamay bini’aadam nafsad ahaan u burburay.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT