Muxuu yahay jahwareer Ka Jira Villa Soomaaliya?

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadda laga dareemayaa khilaaf la sheegay inuu kasoo dhex baxay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Warar soo baxaya oo ay heshay Marqaati Online ayaa sheegaya in madaxweynaha uu si gaar ah ugu dheggan yahay Kheyre, waxaana la isku haystaa sida la sheegay arrimo shaqada la xiriirta.

Farmaajo ayaa sheegay in Kheyre uu aad u jahwareeriyey siyaasadda Nabad iyo Nolol, lana yimid qorsheyaal isaga u gaar ah.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Farmaajo uu amray Kheyre inuusan qaadin tallaabo dambe oo dhanka wasiir xil ka qaadi ah illaa inta madaxweynaha kasoo amro.

Waxaa muuqanaya in Farmaajo aanu ku qanceyn tallaabooyinka qaar ee uu qaadayo Xasan Cali Kheyre.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT