Macalimiin lagu dilay weerar lagu qaaday Iskuul ku yaala G/Waqooyi Bari Kenya

 

Saddex macalin ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay weerar kooxo la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ku qaadeen Qarsa Primary School oo ku yaala degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Macalimiinta la dilay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Nin ay xaaskiisa.

Sidoo kale waxaa jira macalimiin ka badbaaday weerarka oo la sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen kuwaa oo hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaala degmada Wajeer

Stephen Ng’etich oo ah madaxa booliiska degmada Wajeer ayaa weerarkan u xaqiijiyay warbaahinta, isaga oo sheegay in goobta loo diray ciidamada Amniga.

‘’Subaxnimadii hore ee saakay ayaan helay warka ku saabsan in la weeraray Qarsa Primary School, halkaa oo saddex macalin ay naftooda ku waayeen ayuu yiri Stephen Ng’etich.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro nuucaan oo kale ah waxa ay ka geysteen dalka Kenya, halkaasi oo ay ku dileen Macalimiin, kuwo kalena ay ku afduubteen.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT