M/Jubbaland oo sheegtay in ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsanaa Shabaab

Maamulka gobolka Gedo ee dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in laba xubnod oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab bishan gudaheeda ay iska dhiibeen magaalooyin ka tirsan gobolkaaasi.

Madaxa Amniga gobolka Gedo Bile Wuufood Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay 12-kii bishan in Baardheere uu iska dhiibay xubin ka tirsaneyd Al-shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay 14-kii bishan Beledxaawo in uu iska dhiibay dagaalyahan kale oo Al-shabaab ka tirsanaa.

Wuxuu sheegay ninka iska dhiibay degmada Baardheere inuu yahay nin Sarkaal ah uuna watay Qori AK-47 ah, Afar bastooladood iyo Telefoono ay lahaayeen ciidamadii uu hoggaaminayay, maadaama xilligaasi ay isku diyaarinayeen Howlgal, oo raggii la socday uu ka uruuriyay Telefoonadooda.

“Raggan isa soo dhiibay waa laba nin, mid waa sarkaal midna waa dagaalyahan, Sarkaalka wuxuu watay Qori, Afar Bastooladood, iyo Telefoonada gacanta, waxaan ku wareejin doonaa Wasaaradda Amniga, waxaa inoo balansan saraakiil kale oo Al-shabaab ka tirsan oo isa soo dhiibaya” ayuu yiri Bile Wuufood.

Bile Wuufood Ibraahim ayaa sheegay raggan in ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka, wixii hada ka dambeeyana lagu wareejin doono Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Wasaaradda Amniga Soomaaliya, si go’aanka ugu dambeeya ay uga gaaraan

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab in ay isku soo dhiibaan dowladda, isaga oo u fidiyay cafis guud.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT