Xaaladda dalka Itoobiya oo cabsi laga qabo inay rabashado ka dhacaan

Wararka laga helayo magaalada Adis ababa ayaa sheegaya in xaalad degdeg ah lagu soo rogayo dalka Itoobiya, kadib markii uu is casilay Ra’iisal wasaarihii Itoobiya Haile Marian Desalegn.

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa la sheegay inay shir ka yeesheen xaaladda dalka, isla markaana dalkaasi lagu soo rogayo xaalad degdeg ah oo saddex bilood socon doonta, tan iyo inta uu fasaxa kasoo laabanayo Baarlamaanka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in xisbiga talada haya ee EPRDF uu go’aansaday in dalka Itoobiya lagu soo rogo xaalad amni, si looga hortago qas ka dhaca dalkaasi oo maraya xaalad kacsan, laakiin waxaa laga digayaa in arrintaasi ay dhalin karta kacdoonka ay dhigayaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo kasii darta.

Waxaa laga cabsi qabaa in Itoobiya ay gasho xaalad fara ka bax ay iyadoo awoodda dalkaasi ay gacanta uu jirto qowmiyada yar ee Tigreega, waxaana la eegi doonaa halka ay Itoobiya u jiheysato.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT