WARDEG DEG: Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya oo is casilay+SABABTU MAXAY TAHAY?

 

Hailemariam Desalegn Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, kaddib khudbad uu ka jeediyay Telefishinka dowladda.

Hailemariam ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu iska casilay xilka Ra’iisul wasaarenimada iyo Madaxa Xisbiga EPDRF ee haya talada dalka Itoobiya.

Mr Desalegn oo xukunka la wareegay sanadkii 2012, kaddib geeridii Meles Zanawi ayaa wajahayay caqabado iyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo bilihii la soo ka jiray dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysay mucaarado xooggan iyo rabshado uga imaanayay qowmiyadaha ugu ballaaran dalkaas sida Oromada iyo amxaarada, iyadoo hey’adaha xuquuqda Aadanaha ay ku eedeeyeen xadgudubyo dhinaca bani’aadanimada oo ka dhacay dalkaas. 

 

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT