Maxamuud Siraaji oo ku guuleystay kursigii Xildhibaanimada Baarlamaanka

Maxamuud C/llaahi Siraaji ayaa goor dhow ku guuleystay Kursigii Xildhibaannimo ee Beesha Hubeer, kaasoo doorashadiisa ka dhacday magaalada Kismaayo.

Kursigan ayaa waxaa horay uga geeriyooday Cabaas Siraaji oo sanadkii hore lagu dilay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo si layaab leh ugu guuleystay doorashada kursiga sanadkii 2016.

Maxamuud Siraaji ayaa helay 50 cod, taasoo si aqlabiyad leh ugu guuleystay Kursigii uu baneeyay walaalkiis.

Waxaa uu ka mid noqonayaa dhalinyarada ka tirsan Golaha shacabka.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT