M/weyne Shariif Sakiin oo siyaasad aargoosi ah la dheelay Farmaajo & Kheyre+Sabab?

Xog gaara oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu xildhibaanada laga soo doorto Deegaanadiisa ku wargaliyay inay hormuud u nqodaan mooshin laga wado Madaxweyne Farmaajo.

Shariif Xasan ayaa si weyn ugu kacsan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo dhowr jeer uu Madaxweynaha ku cadaadiyay in xilka laga qaado, maadaama Kheyre uu ku fashilmay mooshin uu ubaabulay Shariif Xasan oo ku dhawaaday in xilka uu ku waayo.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo la kulmay Xildhibaanada ku jira Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa u sheegay in Dowlada Farmaajo aysan tixgalin gaar ah siin maamulkooda sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre uu diiday xubno ay ku lahaayeen golaha wasiirada.

Wuxuu ugu dambeyn u sheegay inay hormuud ka noqdaan mooshin hada socda oo rajo wanaagsan laga qabo Farmaajo inuu ku baxo ama xilkiisa u cabsado uu xafiiska ka diro Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT