Sadio Mane Vs Mohamed Salah, Midkee Xawaaraha Ku Dheereeyaa Saaxiibada Liverpool Ee Mane & Salah? Sadio Mane Ayaa Ka Jawaabaya

Sadio Mane ayaa ka mid ah ciyaartoyda abid ugu xawaaraha dheer ee ka soo ciyaaray horyaalka Premier League laakiin waxa uu aaminsan yahay in xidiga kooxdiisa Liverpool ee Mohamed Salah uu yahay kan isaga ka dheereeya ee ka xawaaraha badan. Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa hal mar haddii ay kubbada helaan waxay isla markaaba soo gaadhaan goolka kooxda ay ka hor imanayaan iyaga oo xawaare waali ah ku orda.

Sadio Mane oo la fadhiistay isla markaana su’aalo uga jawaabayay shirkada Western Union oo ay Liverpool wada shaqayn leeyihiin ayaa waxaa ka mid ah su’aalaha uu ka jawaabay mid isaga iyo Salah orod dheer, wuxuuna isaga oo qoslaya sheegay in laga yaabo in uu yahay kan orodka dheer balse Mohamed Salah uu si waali ah isaga uga orod dheer yahay.

Mohamed Salah ayaa 22 gool oo Premier League ah soo dhaliyay xili ciyaareedkan halka Sadio Mane uu 6 gool leeyahay inkasta oo uu goolasha Salah qaar ka mid ah caawiye ka soo noqday laakiin xidiga ree Senegal ee Sadio Mane ayaa aaminsan in Salah ordkiisu yahay mid aan la rumaysan karin.

Sadio Mane oo sida aad muuqaalka sare ka arki karto ka jawaabaya midka isaga iyo Salah xawaare dheer ayaa ku jawaabay: “Waxaan filayaa in Mo uu yahay mid aan la rumaysan karin. Laga yaabee in aan ahay, laakiin Mo xawaare dheere waali ah”. Wuxuuna Mane sharaxaadan bixinayay isaga oo sawirada kulamo ay soo ciyaareen haya.

Sida aad muuqaalka sare ka arki karto Sadio Mane ayaa ka hadlay in Roberto Firmino iyo Philippe Coutinho ay bareen qoobka ciyaarka Brazil isaga oo soo qaatay ficilo gaar ah oo ay hore ugu soo wada dabaal degeen.

Mane ayaa yidhi: “Waxay isku dayeen in ay ibaraan qoobka ciyaarka Brazil, waxayna yidhaahdeen: “Haddii aad gool dhaliso waynu isku imanaynaa, sidan ayaynu samaynaynaa. Sadio waa in aad sidan samaysaa, isaga ayaa sameeyay, Coutinho ayaa sameeyay”. Wuxuuna markan Mane bixiyay tilmaamaha sawirkan hoose ka muuqda.

Jurgen Klopp ayaa hore loo waydiiyay midka dheerayn lahaa Mohamed Salah iyo orodyahanka Bolt wuxuuna sheegay in haddii 100 ka mitir ay ku tirtamaan uu Bolt dheerayn lahaa balse waxa uu sheegay “labadaba kubbada u dhiib kadib Mohamed Salah ayaa dheeraynaya” taas oo uu micnaheedu yahay in xidiga ree Masar uu kubbada la duulo marka uu qabsado.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT