Rudi Garcia Oo Aan Caawa Taageeri Doonin Kooxda Dalkiisa France Iyo Sababta Uu Real Madrid U Taageerayo Oo Uu Ka Hadlay

 

Xidigii hore ee ree France isla markaana hadda ah tababaraha kooxda Marseille ee Rudi Garcia ayaa sheegay in caawa uu taageeri doono kooxda Real Madrid isla markaana aanu wax guul ah u ranaynayn kooxda dalkiisa France ee Paris Saint-Germain.

Saacado kooban ayaa ka hadhsan waqtiga ay kooxaha Real Madrid iyo PSG soo wada gali doonaan Santiago Bernabeu isla markaana ay qaadan doonaan 90 daqiiqo oo waqti dheer la sugayay ka hor inta ayna markale Paris ku kulmin lugta labaad ee wareega 16ka kooxood ee UCL.

Rudi Garcia ayaa sababta uu Real Madrid u taageerayo ku sheegay in tahay Zinedine Zidane halka kooxda PSG ay si wayn ugu xifiltamaan horyaalka France isla markaana ay laba kulan oo xidhiidh ah wada ciyaari doonaan Febuary 25 oo kulan horyaalka ah iyo February 28 oo kulan French Cupka ah. Rudi Garcia ayaa xaqiijiyay in isaga iyo ciyaartoydiisu ay wada jir u daawan doonaan kulanka caawa.

Rudi Garcia oo la hadlayay wargayska L’Equipe ayaa yidhi: “Anigu waxaan doonayaa maanta in aan ciyaartoydayda la daawado kulanka, ka Faransiis ahaan, waxaan doonayaa in kooxaha ree France ay dhibco ka helaan qiimaynta UEFA Index, laakiin maanta waa mid ka duwan”.

Rudi Garcia oo sababta sii sharaxaya ayaa yidhi: “Maadaama oo ciyaartoygii abid ugu fiicnaa France (Zidane) uu kursiga kaydka fadhiyo, kaliya waxaan u tagi karaa Real Madrid”.

Real Madrid ayaa diyaar garowgii ugu waynaa ee xili ciyaareedkan u samaysay sidii ay PSG guul ugaga gaadhi lahayd Bernabeu si ay kulanka lugta labaad u hesho faa’iido ay ugu soo bixi karto siddeed dhamaadka UEFA Champions League oo ay labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku soo guulaysatay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT