Maxaadan Ogeyn oo looga hadlay shir Albaabada ay u xiran yihiin oo dhexmaray G/Yariisow & Xubno kasocda Q/M?

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca mashaariicda.

George Konvy oo ka mid ah madaxda sare ee hay’adda UNDP ee hoggaaminayay xubnahaasi iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa xarumaha Dowladda Hoose ee Xamar iyo dib u dajinta barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Guddoomiye Yariisow iyo Xubnaha ka socda Hay’adda UNDP ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa Gobolka Banaadir.

Waxayna soo dhoweeyeen magacaabista Guddoomiye Yariisow oo ay ku tilmaameen mid Shacabka Gobolka Banaadir u horseedeysa horumaro la taaban karo.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT