M/weyne Farmaajo Oo Xasan Daahir Ka Dalbaday Labo Arrin Oo Kaliya kadib markii…..

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la kulmay waxgaradka beesha uu kasoo jeedo wadaad Xasan Daahir Aweys oo xasbi guri ku ah magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in waxgaradkan uu Labo arrin oo kaliya u dhiibay, taasi oo ku aadan iney kasoo jawaabaan,walibana kasoo qaadaan dhanka Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Qodobada ayaa kala ah:

1- Wadaadka uu caddeeyo inuusan aaminsaneyn Fekerka Al-shabaab, cambaareeyo, sheegana wixii hore inuu ku qaldanaa.

Haddii uu tallaabadan qaado waxaa sahlanaaneysa in la fasaxo, walibana dalka uu doono aado, uguna noolaado si xor ah.

2- Inuu sheego weli inuu Fekrkiisii shalay la saxan yahay.

Haddii uu taas sameeyo, wadaadkan waxaa laga yaabaa inuu wajaho maxkamad, kana helo cadaaladda waxa uu geystay.

Beesha Cayr ayaa isku laaban doonto, waxaana ay soo caddeyn doonaan mowqifka Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir, waa wadaadka kaliya ee isaga oo baxsad ka ah Al-shabaab ay ciidamada dowladda soo qabteen, waxaana sidoo kale uu yahay shaqsi aan ka bixin wixii uu markii hore aaminsanaa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT