TOP SECTRET:- Imaaraadka Oo Usoo Hanjabay Maamulka Puntland+Sababtu maxay tahay?

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa warqad dheer oo digniin iyo hanjabaad isugu jirta waxay usoo dirtay maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Xog hoose oo heshay Marqaati Online ayaa sheegeysa in warqaddan ay ka timid wasaaradaha arrimaha dibadda iyo ganacsiga dowladda Imaaraadka carabta, waxaana ku lifaaqan oo la socda shirkadda DP World.

Qoraalka ayaa ugu horreyn lagu yiri “Ma jeclin in xilligaan xiriikeennu xumaaddo, balse waxaa xumeen kara waxyaabo yaryar oo aan ka fiirsi lahayn”

“Heshiiskii dekadda Boosaaso waxaa muuqata inaad ogeysiin la’aan wax ka bedalaysaan, sababtuna waxay tahay waxaad dhiseysaan dekad macmal ah”

“Baaritaan aan sameennay ayaan ku ogaannay in ka dowlad ahaan aad gacan weyn ku bixineysaan dekaddan, sida loo dhisayana ma ahan mid lagu doonayo in dooni ku badbaadisaan ee si macmal ayaad rabtaan in aad ugu shaqeysaan”

“Dib u eega qodobka 8-aad farqaddiisa J, meel ku dhow dekadda Boosaaso lagama dhisi karo wax dekad ah” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Sidoo kale qoraalka Imaaraadka usoo dirtay Puntland ayaa lagu sheegay in dhankooda ay tallaabo qaadi doonaan haddii aan degdeg looga laaban waxa soconaya.

“Sida ku cad heshiiskeennii waxaan tagi karnaa maxkamadaha caalamka oo aan ka dacwoon karnaa, balse waxaa haboon in marka hore digniintan naga qaadataan oo aad joojisaan waxaad hadda Boosaaso ka waddaan”

“Waxaan dib uga fiirsan doonnaa aaminaad dambe oo dhankiinna ah haddii ay sii cadaato waxa lagu baahiyey warbaahinta iyo inaad dooneysaan burburin heshiis horay u dhacay” ayaa warqadda lagu sii yiri.

Puntland markaan waa ay yaaban tahay, sababtoo ah shacabka oo badbaadinaya dooni ku raran badeeco dhan 10 milyan doolar ay Todobaad gudahiisa ku sameeyeen dekad macmal ah.

Dadka xog ogaalka ah ayaa sheegaya in dekaddan ay sii shaqeyn doonto badbaadada kadib, ayna kusoo xiran doonaan doonyaha yaryar bedalkii ay culeys dhaqaale kala kulmi lahaayeen dekadda Boosaaso.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT