Wararkii ugu dambeeyay dagaal dadka deegaanka iyo Shabaab ku dhex maray G/Galgaduud

 

Wararka ka imaanaya deegaanka War-mooley oo u dhaxeeya degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal ku dhex maray dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa salka ku hayay labo ruux oo Al-Shabaab ku dileen deegaanka iyo amar ku aadan in odayaasha da’da ah la tababar ciidan, si ay uga qeyb qaataan dagaalada.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay ka caroodeen amarkaas iyo dilalkii loo geystay, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga, waxaana kaddib dhacay dagaal labada dhinac dhex maray

Xaalada deegaanka ayaa saaka degan, balse waxaa laga cabsi qabaa in dagaal kale uu qarxo, maadaama aanay Shabaabka ka fogeyn deegaanka.

Deegaanada Gobolada Dhexe ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay kordhiyeen cadaadiska ay ku hayaan dadka ku nool Gobolada Dhexe, waxaana dhowaan ay la wareegeen carruur yar oo ay bilaabeen inay askareeyaan, sida ay shaacisay Hey’adda Xuquuqul Insaanka.

 

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT