WAR DEG DEG AH:- Dhalinyaro dil ka geystay maanta Muqdisho oo goordhow gacanta lagu dhigay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil magaalada Muqdisho loogu geystay askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya.kaasoo ka dhacy Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan.

Dad goob joogayaal ah,ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabad sugida ay isgoyska Maanabooliyo ku qabteen labo dhalinyaro ah mid ka mid ah lagu helay Bastoolad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga qabtay ay yihiin kooxihii hubeysanaa ee isgoyska Sanca ku toogtay askariga ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wali wax war ah kama soo bixin laamaha amaanka ee ku aadan toogashada,waxaana maalmihii u danbeeyay magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan oo inta badan mas’uuliyadooda ay sheeganayeen Ururka Al-Shabaab.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT