Puntland Oo Dhulka La Jareysa Shirkadda Imaaraadka ee La Wareegtay Dekadda Boosaaso

 

Maamulka Puntland ayaa xeelad aan horey loo arag u adeegsanaya shirkadda DP World ee ka howlgasha dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xogta ayaa sheegeysa in Puntland ay rabto in Hal dhagax ay Labo shimbir ku disho, kadib markii ay aqbashay in Boosaaso sidoo kale laga sameeyo dekad Macmal ah.

Dekadda Macmalka ee lagu badbaadinayo doonida rarka sidda ee kusoo caarisay Boosaaso ayaa dhanka kale la sheegayaa iney kusoo xiran doonaan doomaha yar yarka ah.

DP World ayaa tani u aragta qiyaano lagu sameeyay, islamarkaana Puntland ay ka baxeyso qodob kamid ah heshiiskii la galay ee ahaa inaan dekadda Boosaaso dekad kale aan laga ag dhisi karin.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT